4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 17, 2021
Puntland oo xorriyadoodii u soo celisay 14 nin oo ku eedeysanaa in ay katirsan yihiin Alshabaab
 

Axad, October, 17, 2021 (HOL) - Maxkamadda ciiddamada Puntland ayaa siidaysay 14 rag ah oo loo haystay in ay katirsan yihiin ururka Alshabaab, kuwaas oo muddo dhowr bilood ah u xirnaa in ay ku lug leeyihiin qarax iyo dilal ka dhacay Gaalkacyo.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Puntland, gaashaanle dhexe, Cabdiraxmaan Warsame Jaamac, ayaa ku dhawaaqay in dhamman eedeysanaayasha loosoo celisay xorriyadooda kadib markii lagu waayay dambiyadii lagusoo eedeeyay.

Maxaabiista la siidayay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in xoriyadoodii dib loogusoo celiyay, iyagoo sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay muddadii ay xirnaayeen.

Puntland ayaa dhawaan xukun dil ah oo kama dambeys ah ku riday 8 dhallinyaro ah oo lagu helay in ay ahaayeen shabakad katirsan Alshabaab, kuwaas oo qaraxyada iyo dilalka ka geysan jirtay koonfurta Gaalkacyo.

Halkaan hoose ka akhriso magacyada dhalinyarada lasii daayay:-

1: Cabdiqaasim Maxamed Cabdulle
2: Maxamed Careys Faarax
3: Najiib Xuseen Cali
4: Maxamed Cusmaan Ibraahim
5: Ismaaciil Axmed Maxamed
6: Xuseen Maxamed Xuseen
7: Aadan Bashiir Cabdi
8: Jaamac Dayib Xaaji Maxamuud
9: Deeq Jaamac Xasan
10: Cismaan Cabdiraxmaan Shaafici.
11: Isaaq Xasan Aadan Shariif
12: Cabdi Maxamed Isaaq.
13: Cabdulllaahi Muyxadiin Cabdullaahi
14: Mustafe Ismaaciil Aadan

   
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online