4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 17, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo Puntland iyo Galmudug ku boorriyay in ay xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Alshabaab
 

Axad, October, 17, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xalay alaadda fogaan araga uga qeyb galay bandhig nabaddeedka buugaagta oo ka socday magaalada Gaalkacyo, ayaa maamulada Puntland iyo Galmudug ugu baaqay in ay sii xoojiyaan wada shaqaynta iyo iskaashiga ay kula dagaalamayaan Alshabaab.

Raysal wasaare ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ka socda magaalada Gaalkacyo, isagoo sheegay in lagu gaaray sida bulshada labada maamul ay uga shaqeeyeen in nabada la xoojiyo

“Waxaan u mahad celinayaa qof kaste oo si guud iyo si gaar ah uga qeyb qaatay nabada maanta ka jirta Gaalkacyo, qaas ahaan labada guddoomiye ee Gaalkacyo, ciiddanka isku dhafka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,” ayuu yiri raysal wasaaruhu.

Si kastabe ha ahaatee, bandhigga nabada Gaalkacyo, ayaa lagasoo saaray war murtiyeed lagu xoojinayo nabada iyo wada shaqaynta labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.

Waxaa bandhiggaan ka qeyb galay masuuliyiin ka kala socday labada maamul iyo dowladda federalka Soomaaliya.

Waxaa lagusoo beegay bandhiggan, iyadoo  shan sano kadib ay ku beegan tahay dagaaladii Gaalkacyo ka dhacay ee sababta u noqday in bulshadu baraarugto oo dhinaca nabada loo jeesto.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online