4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 12, 2021
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika
 

Talaado, October, 12, 2021 (HOL) - Kooxo hubeysan oo burcad Koofur Afrikaan ah ayaa Xalay muwaadin Soomaaliyeed ku dilay goobtiisa ganacsi oo ku tiilay magaalada Quenstown ee gobolka Eastern Cape ee dalkaasi Koofur Afrika.

Muwaadinka Soomaaliyeed ee lagu dilay dalkaas oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa lagu magacaabi jiray Liibaan Faarax Kheyre, kaaso burcadii dishay ay isaga baxsadeen goobta ay ku dileen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska wadanka  Koonfur Afrika oo gaaray goobta lagu dilay marxuumka ayaa sida caadada u aheyd dilka kadib waxay sameeyeen howlgalo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas, mana jirin wax natiijo ah oo kasoo baxay baaritaankooda.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa si joogto ah uga dhaca dilalka loo geytso muwaadiniinta Soomaaliyeed dalkaasi u tagay iney ka ganacsadaan, waxaana xusid mudan in laba habeen ka hor lagu dilay dalkaasi Maxamed Ismaaciil Kiish oo ka mid ahaa Odayaasha ugu caansan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]