4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 25, 2021
Golaha midowga musharraxiinta oo ku eedeeyay raysal wasaare Rooble inuu ka leexday dariiqii doorasho hufan
 

Khamiis, November, 25, 2021 (HOL) - Golaha midowga Musharraxiinta ayaa kasoo horjeestay sida haatan ay ku socdaan doorashooyinka Soomaaliya, iyagoo sheegay in ay ka dhalan karto burbur baahsan oo dalka ku habsada.

Shir jaraa’id oo ay qabteen golaha musharraxiinta ayay ku sheegeen in raysal wasaare Rooble uu ka leexday dariiqii saxda ahaa ee la rabay in doorasho hufan lagu qabto, marka loo eego qaabka doorashadu ku socoto.

“Waxaan si dhameystiran ugu qanacsannahay sida ay hadda wax ku socdaan, inay kaliya ka dhalan karto burbur baahsan oo dalka Soomaaliya ku habsada,” ayuu yiri afhayeenka guddiga doorashada, Daahir Maxamuud Geelle.

Afhayeenka musharraxiinta wuxuu sheegay in ay Muqdisho ku qabanayaan kulamo iyo wadatashiyo loogasoo horjeedo wuxuu ugu yeeray boobka doorashada lagu hayo, wuxuuna sheegay in ay shacabka ka doonayaan in lagu taageero mowiqfkooda.

Golaha midowga musharraxiinta waxay ku eedeeyeen dowladda hadda jirta inay boob aan waligiis soo marin Soomaaliya ku hayso hannaanka doorashada, taasoo ay sheegeen in ay horseedayso in dalku u laabto hannaan aad u fool xumo.

Hadalka golaha musharraxiinta ayaa kusoo beegmaya, iyadoo shalay guddiga heer federal ee doorashooyinka uu sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan boobka ka dhanka ah doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online