4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 22, 2021
Tahriibayaal Soomaali ah oo dib u dajin loogu sameeyay dalka Canada
 

Isniin, November, 22, 2021 (HOL) - Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaxootiga ee UNHCR, ayaa sheegtay inay Canada dib u dejin ugu samaysay 71 qaxooti ah oo ay ku jiraan 37 carruur ah, kuwaas oo laga keenay dalka Libya.

Bayaan kasoo baxay hay’adda UNHCR ayaa lagu sheegay in qaxootigan oo muddo ku dhibaataysnaa dalka Libya ay kasoo kala jeedan waddamada Suuriya, Suudaan, Falastiin iyo Soomaaliya.

Hay’addu waxay sheegtay in ay hadda jiraan 41,404 qaxooti iyo magangalyo doon ah oo ka diiwaan gashan xafiiska UNHCR ee Libya.

Libya ayaa ku jira fowdo tan iyo markii la riday Mucamar Al-Qadaafi, sanadkii 2011-kii, taasoo dalkaas ka dhigtay meel ay door bidaan muhaajiriinta sharci darrada ah ee doonaya inay badda Mediterranean-ka uga gudbaan Yurub.

Sanadkan, wadar guud oo ah 29,427 muhaajiriin sharci-darro ah, ayaa lagasoo badbaadiyay badda Mediterranean, halka 490 ay dhinteen, 736 kalena lagu waayay meel ka baxsan xeebaha Libya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online