4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 20, 2021
Madaxweyne Biixi "Xisbiga Waddani isaga ayaa maxkamad isa saaray"
 

Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareejinta Cirro ee hogaanka xisbiga Waddani ku macneeyay in ay keentay kadib, markii uu garawsaday in siyaasiyiinta Kulmiye ka tirsanaanjiray ay siyaasad fiicanyihiin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Cirro oo horay uga soo horjeedi jiray maalgashiga Imaraatka Carabta,  uu hada ogaaday in uu qaldanaa sidaa darteedna uu xisbigii ku wareejiyay nin Kulmiye ka tirsanaan jiray si uu siyaasada Kulmiye ugu hago xisbiga Waddani.

"Xisbiga Waddani isaga ayaa maxkamad isa saaray waayo, wuxuu xaqiiqsaday in madaxweyne Siilaanyo iyo aniga maxkamad hala saaradii uu yidhi ay qaldanayd, wuxuu xaqiiqsaday in halkii uu u socday iyo aragtidii ay qaldanayd oo ay cidlo ahayd, wuxuu kusoo noqday siyaasadii Kulmiye ee wakhtiga fog dalka lagu dhisayay ee qoraalka ahayd ee taalay" ayuu yidhi Biixi.

"Waa ta uu ragii Kulmiye xisbiga ugu wareejiyay markuu aqoonsaday in ay wataan waayo aragnimadii iyo aragtidii Kulmiye, isaga is xukumay oo ku wareejiyay ragii Kulmiye ahaa ee u tagay, waana garowshiyaha siyaasigu markuu is xukumo".

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Xaaji Cali Xasan, oo madaxweynaha u jawaabay, ayaa sheegay in madaxweynaha hadalkiisa ay cadho ka muuqatay, waxaanu sheegay in madaxweyne Biixi ay u haboonayd in uu wax qabadkiisa oo kaliya uun ka hadlo si inta dhimana xisbiyada mucaaradku ay u tilmaamaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]