4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 8 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo beenisay in ay ka laabatay dacwaddii Badda ee kala dhaxeysa Kenya

 

Sabti, May, 08, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay warar saacadihii soo dhaafay siweyn waxaa baraha bulshada loogu faafiyay oo sheegayay in dowladda Soomaaliya ka laabtay dacwaddii Badda ee kala dhaxeysa Kenya

Ra'iisal Wasaare kuxigeenka dowladda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo dhinaca kale dowladda Soomaaliya uga wakiil dacwaddan ayaa sheegay in kiiskaas ay maxkamadda ICJ go’aan ka gaari doonto.

Hadal Qoraal ah oo uu soo dhiggay boggiisa Twitter ka ayuu ku yiri '' “Muranka Badda waxaa dhameystiri doona ICJ kadib markii dhageysigii hadalka ahaa lasoo geba gebeeyeey March 15-18 ee sanadkan. Waxaan sugeynaa go’aan caddaalad ah. Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dalna waa arrin gaar ah,” ayuu yiri Mahdi oo qoraal soo dhigay bartiisa twitterka.

Marar bada oo hore ayaa sidan oo kale loogu eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay ka laabatay dacwadda Badda, hasse ahaatee doodda arintan ku saabsan ayaa wali ka furan madaxkadda oo la filayo in ay go'aan kama danbeys ah ka gaarto.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]