4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 6 , 2021
Soomaaliya: Waxaan dib usoo celinay xiriirka Diblumaasiyadeed ee Kenya
 

Khamiis, May, 06, 2021 (HOL) - Dawladda Soomaaliya ayaa goor dhow soo saartay go’aan cusub oo dib usoo celinaya xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la lahayd Kenya, ka dib heshiis ay gaareen labada dal, sida uu warbaahinta u sheegay wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Federaalka, Cabdiraxmaan Al -Cadaala .

“Labada Dawladood ee Soomaaliya iyo Kenya waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la'aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Dawladda Soomaaliya .

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Dawladda Qatar uga mahadcelisay dadaallada ay ku bixisay sidii mar kale heshiis looga gaari lahaa go’aan kii ay Soomaaliya bartamihii bishii December ee sannadkii hore 2020 xiriirka diblumaasiyadeed uga jartay Kenya oo ay markaa ku eedeysay xadgudubyada siyaasadeed iyo faragelinta madaxbannaanida Soomaaliya.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]