4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 5 , 2021
Xal hor dhac ah oo laga gaaray xiisadii toddobaadyadii ugu danbeeyay ka taagneyd Muqdisho

 

Arbaco, May, 05, 2021 (HOL) -Iyadoo dhawaan guddi farsamo uu u saaray Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya xal u helida xiisadii ka dhalatay go'aankii Baarlamaanka ee muddo korarsiga, ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho ugu danbeyntii waxaa ay xal hor dhac ah ka gaareen soo afjarida xiisadaasi,

Ra’iisul Wasaare Rooble oo markii danbe ku soo biiray kulamada ayaa  boggaadiyay xalka arrimahaas laga gaaray iyo kulamadii socday ee mira dhalay, waxaana laga saaray qoddobadan.

1. In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.

2. In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.

3. In si gooni ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka iyo Xuquuqda kale ee Ciidan.

4. In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni.

5. n Ra’iisul Wasaarahu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida.

A. In aysan ku milmin arrimaha Siyaasadda.

B. In aysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.

6. In la magacaabo guddi khubaro Ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka.

7. In aan Ciidamada Qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn.

8. In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb.

9. In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray.

10. Fulinta qodobadaan waxaa masuul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]