4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 5 , 2021
Boqalaal qoys oo ka barakacay fatahaada webiga Shabeelle uu ka sameeyay gobolka Shabeellada dhexe
 

Arbaco, May 05, 2021 (HOL) - Boqolaal qoys ayaa ka barakacay tuulooyinka Baarreey iyo Mayooko oo hoos taga degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe, kadib markii halkaas uu ku fatahay webiga Shabeelle.

Fatahaada webiga Shabeelle ayaa sidoo kale baabi'isay Boqolaal Hiktar oo dhul beereed ah oo ay ka baxayeen dalagyada Sisinta, Gallayda iyo khudrada oo ku yaallay deegaanadaas.

Qoysaska ku noolaa tuullooyinkaas ayaa ku jira xaalad adag, waxayna dalbanayaan in gurmad degdeg ah la gaarsiiyo, inkastoo qaar kamid ah waddooyinkii loo mari lahaa ay biyuhu gooyeen.

Labada tuulo ayaa cel celis ahaan waxaa ka barakacay ku dhawaad 1500 qoys, kuwaas oo la sheegay inay ku suganyihiin xaalad cunno la'aan ah.

Dhinaca kale, wararka aan helayno ayaa sheegaya in ay go’day wadadda jowhar iyo garoonka diyaaraddaha oo ay samayn ku yeesheen fatahaadda uu sameeyey Webiga Shabeelle.

Waxa jira cabsi laga qabo inay korodho qiimaha maciishadda maadaama ay fatahaadda sababi karto inay yaraadaan gaadiidka deegaanka soo geliya badeecaddaha quutal daruuriga ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online