5/12/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 4 , 2021
Guddi ka soo tala bixiya xasilinta magaalada Muqdisho oo la magacaabay


 

Talaado, May, 04, 2021 (HOL) -  Ra'iisal Wasaaraha Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa ku dhawaaqay guddiga xalinta khilaafaadka iyo xiisada magaalada Muqdisho, kuwaa oo isugu jira Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Guddiga ayaa imanaya xili ay wali fariisimahoodii ku sugan yihiin ciidamadii dhawaantan soo galay gudaha magaalada Muqdisho ee taabacsan midowga musharixiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka kuwaa oo ka dhaga adeygay baaqii Ra'iisal Wasaaraha ee ahaa in ciidamadu dib ugu laabtaan xarumahoodii hore. 

Guddiga ayaa loo saaray in ay ka soo tala bixiyaan xal ka gaarista khalaalisihii ka dhacay Muqdisho.

Hoos ka akhriso magacyada  Guddiga :


 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  












Click here
5/4/2021 10:54 AM EST
Talaado, May, 4, 2021 (HOL) - Dowlada Ingiriiska, ayaa 17 milyan oo dollar ku maal galinaysa mashruuca Hargaysa pypass road, oo ah wado 22.5 KM ah, taasi oo la doonayo in baabuurta waaweyn ee xamuulka magaalada Hargaysa lagaga leexiyo.

5/4/2021 10:24 AM EST
Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

5/4/2021 10:00 AM EST
Talaado, May, 4, 2021 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadalay xadhiga musharixiinta, ayaa sheegay in musharax kasta oo lagu helo danbi la xidhayo mucaarad iyo muxaafad ba.

5/4/2021 9:53 AM EST
Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Iyadoo labadii cisho ee la soo dhaafayba magaalada Muqdisho ay ku sugnaayeen wafdi heer sare oo ka socda dowladda Qatar, ayaa dhinaca kale waxaa wada hadal khadka talleefoonka ah yeeshay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani

5/4/2021 7:35 AM EST
Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Ciidamada taabacsan mucaaradka ee kasoo horjeestay mudo kordhinta ayaa ku sheegay bayaan ay soo saareen in aysan ka bixi doonin goobihii ay farriisinka ka sameysteen kadib qalalaasihii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

5/4/2021 2:55 AM EST
Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, oo kulan la qaatay safiirka Ingriiska ee Soomaaliya amb. Kate Foster, ayaa kala hadlay doorashooyinka Somaliland iyo xadhiga musharixiinta mucaaradka.

5/4/2021 2:15 AM EST
Talaado, May, 04, 2021 (HOL) - Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay xarunta madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay wakiillo ka kala socday warbaahinta Soomaaliyeed.

5/4/2021 1:57 AM EST
Talaado, May, 04, 2021 (HOL)-Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa soo saaray awaamiir la xiriirta howlaha ciidanka Booliiska, kaddib eedeymo maalmihii ugu danbeeyay loo jeedinayay.