4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 14, 2021
Madaxweynaha Somaliland iyo wafti uu hogaaminayo oo safar ugu ambo baxay dalka Jabuuti
 

Jimco, May, 14, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hogaaminayo ayaa safar ugu ambabaxay dalka Jabuuti, halkaaso ay kaga qaybgalayaan caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle.

Warasaxafadeed kasoo baxday madaxtooyada aya lagu sheegay in madaxweyne Biixi uu marti qaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Jabuuti oo markii 5aad loo dhaarinayo jagada ugu saraysa dalkaasi.

Xaflada dhaarinta madaxweyne Geelle ayaa 15 bishan May ka qabsoomi doonta caasimada looga arrimiyo jamhuuriyada Jabuuti ee Jabuuti.

Sarakiisha madaxweynaha safarka ku wehelinaya aya kala ah wasiir ku xigeenka arrimaha dibada ahna kusimaha wasiirka Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, wasiirka gaashandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateye iyo iyo wasiirka warfaafinta Saleebaan Cali Koore.

Safarka madaxweynaha ayaa qadan kara 2 ama 3 maalmood, waxana suuragal ah in madaxweynuhu uu kulamo la qaato madaxweynaha Jabuuti kadib xaflada caleemo saarka.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]