4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 12, 2021
Madaxweynaha Somaliland oo hambalyo u diray shacabka Somaliland iyo umada muslim ka ah
 

Arbaco, May, 12, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Somaliland iyo shucuubta Islaamka ugu hambalyeeyay munaasibada Ciidul fidriga.

Madaxweynaha ayaa yidhi “Illahay baa mahadleh, ina siiyay nimcooyinka badan ee caafimaadku kow ka yahay, nabada, roobka, barwaaqada iyo fadliga Ramadaanta, waxan hambalyo u dirayaa umada Islaamka gaar ahan umada Somaliland”.

“Waxan u dirayaa salaan iyo hambalyo, waxan u rajaynayaa in sanadkan sanadkiisa ay barwaaqo iyo bash-bash ku ciidan oo Alle caafimaad inagu wada gaadhsiiyo”.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Ramadaanta ay ku xigto maalinta xoriyada Somaliland ee 18May, iyo doorashadii oo kasii danbaysa, waxanu madaxweynuhu rajeeyay in maalmahaasi dhami khayr ku dhamadan.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in Somaliland ay leedahay cadow badan oo aan jeclayn horumarkeeda, isla markaana loobahanyahay in dhan looga soowada jeedsado.

Madaxweynaha ayaa ugu danbayntii u rajeeyay shacabka Somaliland in Alle ka dulqaado caabuqa Covid-19 oo uu sheegay in uu ka culusyahay kii sanadkii hore.

Munaasibada Ciidal-fidriga ayaa ku beegan maalinta barri ee 13 bishan May.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]