4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 10, 2021
Ciidamada badda Mareykanka oo baaraya inuu Soomaaliya ku wajahnaa hubka sharci darro ah oo Shiinaha laga keenay
 

Isniin, May, 10, 2021 (HOL) - Ciidamada Badda ee Mareykanka ayaa sheegay inay baarayaan halka laga keenay iyo halka loo waday hub fara badan oo Shiineys ah oo Jimcihii lagala degay doon aan calan laheyn oo mareysay Badda Carbeed.

Bayaan ka soo baxay waaxda Arimaha Bulshada ee Ciidamada Badda Mareykanka ayaa lagu sheegay in asalka keydka la baari doono iyadoo la adeegsanayo howl gal balaaran, hubkana la burburin doono.

"Kaydka hubka waxaa ku jiray daraasiin gantaalaha horumarsan ee Ruushka lagu sameeyo ee taangiyada lidka ku ah, kumanaan kun oo qoryaha nooca Shiineeska ah ee 56, iyo boqolaal qoryaha darandooriga u dhaca ee PKM, qoryaha toogashada iyo gantaalada,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga wararka hawlgallada badda ee dowladda Maraykanka.

Doonta sidday oo aan wadan calan waxay ku safraysay biyaha caalamiga ah gaar ahaan meel ku taal Badda Woqooyi Carbeed, oo xuduud la leh badda Soomaaliya, waxaana habeenimadii 7-da May arkay Markabka USS Monterey (CG 61).

Maraykanka wuxuu sheegay, Soomaaliya oo ay saaran tahay cunaqabateyn hub oo lagu soo rogay 1993, haddii uu hubkan kusii jeeday, ay sida caadiga ah jebin doontaa xayiraadda Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

Sanadkii 2016, ciidamada badda ee Australia ayaa gacanta ku dhigay hub ay sheegeen inuu ku wajahnaa Soomaaliya dhanka waqooyi ee Badweynta Hindiya una dhow Badda Carbeed. Waxay ka koobnaayeen ilaa 2000 oo qoriga AK-47, 100 gantaalaha garabka laga rido iyo 49 qoryaha darandooriga u dhaca ee PKM.
    
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online