4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 10, 2021
Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay in la fasaxay Qaadka Miirowga
 

Isniin, May, 10, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Qaadka Miiroowga aan wali laga qaadin xayiraadii looga mamnuucay Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay hay’adda duulista Rayidka  Soomaaliya.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa ku wargalisay dhammaan shirkaddaha duulimaadyada in aysan dowladdu waxba ka bedelin siyaasadeedii ku aadanayd mamnuucista soo dejinta Qaadka Miirowga.

”Soo qaadista Qaadka Miirowga iyadoo aan rukhsad rasmi ah laga haysan hay’adda SCAA, waxaa loo tixgelin doonaa ficil aan sahlaneyn iyo ku xadgudub hawada Soomaaliya. Sidaas awgeed hay'adda duulista rayidka ee Soomaaliya waxay si adag ula talineysaa dhammaan hawlwadeennada in aysan ku dhaqaaqin soo qaadista Qaadka Miirowga illaa amar dambe laga helo Hay'adda,” ayaa lagu yidhi qoraalka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Dowladda waxay sheegtay in isfahamka labada dal uu yahay mid ku eg soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed. Waxay sidoo kale sheegtay in ganacsi iyo wax wada qabsi uu ku imaan karo wada xaajood iyo gorgortan ay ka dhalato dheef wadaag u qalanta labada dal.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online