4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 7 , 2021
Madaxweynaha Puntland oo sheegay in sharciga la horkeeni doono ciddii Alshabab u sahashay weerarkii xabsiga Bosaso
 

Axad, Maarso, 07, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sheegay inuu socdo baaritaan lagu oggaanayo cidda u sahashay in Alshabaab ay weeraraan xabsiga magaalada Bosaso, halkaas oo ay kala baxeen maxaabiis muddo dheer uga xirnaa oo qaarkood dil sugayaal ahaa.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay ciddii ay ku caddaato in ay qeyb ahaayeen falkaas lagu qaadi doono ciqaabta ay mudan yihiin, islamarkaana wuxuu sidoo kale sheegay in la abaal marindoono ciidamadii dagaalka la galay kooxda Alshabab ee xabsiga soo weerartay.

Deni oo haatan ku sugan magaalada Bosaso ayaa sheegay Puntland in ay ku jirto heegan buuxa iyo jawaabta laga bixinayo ficiladii amni ee ka dhacay magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo.

Dhinac kale, howgallo ka socda magaalada Bosaso iyo hareeraheeda ayaa la sheegay in ay ciidamadu gacanta ku dhigeen dad badan oo lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin Alshabab iyo Daacish.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]