4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 6 , 2021
Guddida doorashooyinka Somaliland oo shaaciyay xiliga la qaadanayo kaadhka cod bixinta

Sabti, Maarso, 06, 2021 (HOL-guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa ku dhawaqay in qaybinta kaadhka codbixinta la bilaabi doono 11 ka bishan Maarso.

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Cabdirashiid Riyo-raac, ayaa sheegay in qaybinta kaadhka cod bixintu uu bilaabmayo 11 bishan Maarso.

“Bishan saddexaad 11 keeda waxa bilaabmaya kaadh qaybintii, waxayna ka bilaabmi doontaa saddexda gobol ee Sool, Sanaag iyo Saxil” ayuu yidhi Riyo-raac.

“Saddexda gobol ee Togdheer, Maroodijeex iyo Awdal na way ku xigidoonaan”. Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Riyo-raac.

Guddoomiye Riyo-raac ayaa dhinacakale la dardarmay shaqaalaha ka shaqayn doona hawsha kaadh-qaybinta, isagoona ku booriyay in ay sharciga dabaqaan, oo ay sidaacada hawshaa u gutaan.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]