4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 6 , 2021
Madaxweyne Geelle'' dadka ayaa igu qasbay in aan markii shanaad u tartamo xilka madaxweynaha

 

Sabti, Maarso, 06, 2021 (HOL) -- Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu markii shanaad u tartamo xilka madaxweynaha dalkaas oo uu soo hayay tan iyo 1999, iyadoo la filyay in uu marka isaga fariisanayo doorashada.

Isaga oo la hadlayay BBC ayuu sheegay Geelle in sababta uu sidan u sameynayo tahay rabitaan ka yimid dadka reer Jabuuti oo sida uu hadalka  u dhigay ku qasbay in uusan meesha banneeynin mar kalana uu isku soo taago xilka.

''Annaga oo aan hadlin dadka iyaga ayaaba codsaday in aan mar kale tartamo oo ilahaa joog oo ha tagin, sidaa daraadeed waxaan go'aansaday in  aan tartamo markii ugu danbeysay'' ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle.

Laakiin dhinaca kale marka la eego mucaaradka ayaa arintan u arka mid muujineysa ku tagri fal awoodeed madaama uu hadda isaga xafiiska maamulo iskuna arkayo in uu doorashada u maamuli karo sidii uu doono.

Waxaa sidoo kale la sheegay in shacabka leyska hortaagay dibadbaxyo isbuucyadii la so dhaafay lagu diidanaa in Geelle uu markii shanaad u tartama xilka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]