4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 5 , 2021
Faah faahin ku saabsan qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Jimco, Maarso, 05, 2021 (HOL) --Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo goor dhaw maqaaxi lagu magacaabo Luul Yemeni oo ku dhiggan dekedda magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo jugtiisa siweyn looga maqlay magaalada Muqdisho ayaa sababay khasaare ballaaran oo isugu jira dhimasho, dhawac iyo burbur hantiyeed, waxaana dumay sida goob joogayaal sheegayaan guryo ka ag dhawaa goobta la bartilmaameesaday.

Xiligan uu qaraxu dhacayay waddada hormarta maqaaxida ayaa aheyd mid mashquul ah oo marayeen gaadiidka yar yar ee loo yaqaan Bajaajta iyo waliba kuwa gaarka loo leeyahay, sidoo kalana maqaaxida la bartilmaaedsaday ayaa lagu waramayaa in ay xiligaa ku sugnaayeen dad u badan qaarkood goobta ka cuteynayay.

Ilaa iyo hadda lama sheegin tiro rasmi ah dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxan, waxaana wali goobta ku sugan gaadiidka gurmadka deg deg ah oo halkaa ka qaadaya dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Qaraxa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee waayadan soo mara magaalada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]