4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 4 , 2021
Dib u dhac laga yaabo in uu ku yimaado kulankii uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo

 

Khamiis, Maarso, 04, 2021 (HOL) - Maanta oo Khamiis ah ayaa loo qorsheeyay kulan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ugu baaqay madaxda dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir in ay ka soo qeybgalaan si loo dhameystiro wada hadallada doorashada.

Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa markii saddexaad ku gacanseyray baaqa madaxweyne Farmaajo iyaga oo ku dooday in shirka lagu qabto goob amaan ah oo aysan cayimin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay labo mar sidan oo kale shir isugu yeeray magaalada Muqdisho madaxda dowlad gobolleedyada gobolleedyada iyo gobolka Banaadir hasse ahaateen uma suurtagalin madaxweynaha hirgalinta labadaasi shir.

Guddiga aan leysku raacsaneyn ee doorashooyinka dalka ayaa dhawaan qoraal ay soo asareen waxaa ay ku booriyeen dhincyada siyaasadda Soomaaliya in ay deg deg u dhameeyaan wixii khilaaf ah ee jira si loo gudagalo doorashada.

Balse waxaa ay muuqataa in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland xiligan aqoosaneyn sharciyada madaxweyne Farmaajo iyo dhaqangalinta go'aamada ka soo baxa, iyaga oo dhowr jeer oo hore ku baaqay in madaxweynuhu awooda iska wareejiyo

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]