4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 3 , 2021
Ururka warbaahinta Puntland oo sharci darro ku tilmaamay xukun maanta lagu riday weriye horay u xirnaa
 

Arbaco, Maarso, 03, 2021 (HOL) - Ururka warbaahinta Puntland ee MAP, ayaa cambaareeyay xukun saddex bilood ah oo maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ay maanta ku riday Saxafi Kilwe Aadan Faarax, oo horay labo bilood maxkamad la’aan xirnaa.

Ururka MAP wuxuu sharci darro weyn iyo ku tumasho dastuur ku tilmaamtay in weriyaha oo aan lagu helin wax dambi ah in lagu rido xukun sharci darro ah oo ka hor imaanaya qodobka 87-aad ee dastuurka Puntland.

“MAP waxay ku tilmaamaysaa xukunka Kilwe mid sharci darro ah oo ay riday maxkamad aan ikhtisaas u lahayn, waxaana marnaba aan la qaadan karin in saxafiga loo ekaysiiyo cid kale,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay MAP.

Masuuliyiinta ururka warbaahinta waxay sheegeen in Puntland ay ka sugayaan inay jawaab waafi ah ka bixiyaan xukunka sharci darrada ah, sidoo kale waxay sheegeen in maxkamada ciidamada looga baahan inay iska ilaaliyaan dacwadaha ay galayaan iyo go’aanada ka dhalanaya.

MAP waxay caddaysay tallaabooyinka nuucaan oo kale ah in ay dhibaato ku yihiin dimoqraadiyada la filayo inay ka hanaqaado Puntland, taasoo si adag u difaacaysa xorriyada saxaafadda iyo madax bannaanideeda.

Xukunka saddexda bil ee maanta lagu riday weriyaha ayaa kasoo billaabanaya maalintii la xiray oo ahayd bishii december dabayaaqadeedii, waxayna ka dhigan tahay in dhowr cishe kadib uu xorriyadiisa helidoono.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]