4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 3 , 2021
Afhayeenkii madaxtooyadda Somaliland oo is casilay
 

Arbaco, Maarso, 03, 2021 (HOL) - Maxamuud Warsame Jaamac, oo aha afhayeenkii madaxtooyada Somaliland ee saddex dii sano ee u danbeyay, ayaa is casilay, isagoona sheegay in uu yahay musharax u taagan doorashada wakiilada.

Afhayeenka oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa ku dhawaqay in uu xilka afhayeen-nimo u baneeyay si uu ugu cararo doorashada golaha wakiilada ee qabsoomi doonta 31 bisha May 2021.

“Waxan maanta idiinku yeedhay in aan idinla wadaago in aan ahay musharax u tartamaya doorashada golaha wakiilada ee dalka Jamhuuriyada Somaliland ee qorshaysan 31 bisha May”. Ayuu yidhi Maxamud Warsame.

“Markii aan sameeyay la tashi balaadhan, markii aan u meel dayay damacayga siyaasi ga ah, markii aan door biday in aan shacabkayga gobolka Sanaag ku matalo golaha wakiilada, waxa aan go’aan saday in aan noqdo musharax u taagan doorashada wakiilada”.

“Waxan halkan ka caddaynayaa in aan baneeyay xilkii afhayeenka madaxtooyadda Jamhuuriyada Somaliland oo aan hayay muddo saddex sano iyo hal bil ah” ayuu hadalkiiisa sii raaciyay Maxamud Warsame.

Maxamuud Warsame Jamac ayaa madaxwayne Muuse Biixi iyo madaxwaynihii hore ee Somaliland Axmed Silaanyo uga mahad celiyay jagooyinkii kala duwana ee ay u soo magacaabeen wakhtiyo kala duwan.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]