4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 3 , 2021
Al-shabaab oo goob fagaaro ah ku toogatay shan ruux oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen CIAda Mareykanka

 

Arbaco, Maarso, 03, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe ayaa sheegaya in xoogagga Ururka Al-shabaab goob fagaaro ah ku toogteen shan ruux oo ay ku eedeeyeen in ay xiriir wada shaqeyn ah la lahaayeen CIAda Mareykanka.

Fagaaraha toogashada lagu fuliyay ayaa waxaa isugu yimid dadweyne faro badan oo ay Al-shabaab ay ugu baaqeen in ay u soo daawasho tagaan fulinta toogashada, mana aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale ay sameeyaan Al-shabaab.

Ragga ay toogashada ku fuliyeen ayaa magacyadooda lagu kala sheegay ''Abuukar Xasan Maxamed oo ay Al-Shabaab sheegeen in uu qirtay in uu wada-shaqeyn la lahaa hay’adda CIA-da Mareykanka, Xasan Maxamuud Maxamed (Xasan dheere ) oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay hay’adda CIA-da Mareykanka,  Mahad Cabduqaadir Aadan oo loo yaqaanay  Mahad Qaadoole ayay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu Shaqeynayay hay’adda CIA-da Mareykanka.. Axmed Cabdi Cabdullaahi Salmaan oo ay Shabaab sheegeen in uu basaas u ahaa hay’adda CIA-da Mareykanka,  Macalin Abuukar Maxamed Calasow oo ahaa Nin Oday ah oo jiray da’ada 63, kaas oo ay ku eedeeyeen in uu basaas u ahaa hay’adda CIA-da Mareykanka.

Horay sidan oo kale Al-shabaab ayaa qeybo badan oo ka mid ah dalka ku fuliyay dilal noocan oo kale dad ay ku eedeeyeen in ay yihiin jawaasiis u basaasa hay'addo shisheeye iyo dowladda Soomaaliya, laakiin marnaba ma soo bandhigaan caadeymo arrimahaa muujinaya ama qiraada dadka ay toogashada ku fuliyaan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]