4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 2 , 2021
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Africa

 

Talaado, Maarso, 02, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in koox burcad ah xalay goobtiisa ganacsi ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Axmed Abuukar Xaaji.\

Koox burcad ayaa la sheegay in  ganacsanaha Soomaaliyeed dhowr xabadood ay uga dhufteen qeybaha sare ee jirka, halkaasna uu ku geeriyooday, iyagaoo markiiba goobta ka baxsaday.

Waxaa markii danbe goobta uu falku ka dhacay tagay ciidamada Booliiska dalka Koonfur Africa kuwaa oo sameeyay baaritaanno la xiriira dilka iyo cidda geystay, laakiin ma jirto cid ay u qabteen Booliiska falka dilka ah.

Koonfur Africa ayaa lagu bartilmaameedsadaa ganacsatada Soomaaliyeed iyadoo ilaa iyo hadda aysan jirin dowlad iyo cid kale oo arintaa wax ka qabta.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]