4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 1 , 2021
Ciidanka millateriga Somaliland oo ka hadlay wararka sheegaya in Ciidamada gobolka sanaag ay ka soo bexeen saldhigoodi
 

Isniin, Maarso, 01, 2021 (HOL)-Saldhiga ciidanka millateriga Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidanku uu kasoo baxay fadhiisin kiisii.

Taliyaha saldhiga saddexaad ee ciidanka millateriga ee gobolka sanaag Gen. Muuse Jaamac Dalaf oo ay weheliyaan saraakil sar sare oo katirsan millateriga ayaa waxba kama jiraan ku tilmamay wararka sheegaya ay ciidamadu kasoo baxeen fadhiisimihii ay ku lahayeen gobolka Sanaag.

“Wax dhibaato ah oo halkan Ceel-afwayn ka jirtaa ma jirto, ciidanka qaranka ee gobolka Sanaag wuxu joogaa saldhigiisii, fadhiisin kii ay daganaayeen ayay joogaan, Ceel-afwayn wax badan baa la buun buuniyo la yidhi dhibataa ka jirta, wax dhibaato ah oo ka jiraa majiro, ciidankuna ciidan gaamuray weeyi maaha ciidan dheel dheel lagu kaxaysan karo, waa ciidan garnaya waxkasta oo jira, oo xeel dheeri badan leh weeyi.” ayuu yidhi Jen. Dalaf.

Jeneralka ayaa sidoo kale ka digay warar been abuura oo uu sheegay in laga faafinayo ciidanka, wuxunu ku baaqay in aan la siyaasadayn arrimaha ciidanka.

“Waxan leeyahay barobagandhada ciidankiina iyo dalkiina ka daaya, war been ah yaan laga fidin ciidanka qaranka oo u dhintay, oo u gaajooday, oo dhulkiisa difaacisa u taagan, waxan leeyahay nina yuu ka faa’iidaysan ciidanka qaranka, siyaasadna yaan loo adeegsan”. Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Jen. Dalaf.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]