4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 1 , 2021
Somaliland oo Dowladda Soomaaliya ku eedaysay in ay ka been abuurtay xogta caabuqa Covid-19 ee Somaliland
 

Isniin, Maarso, 01, 2021 (HOL) - Agaasimaha wasaarada horumarinta caafimadka ee Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeyay in ay ka been abuurtay tirada dadka laga helay caabuqa Covid 19 ee gudaha Somaliland.

Agaasimaha oo waraysi siiyay muuqbaahiyaha HCTV ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka been sheegtay xogta xanuunka Covid 19 ee Somaliland isla markaana anay jirin xidhiidh xog is waydaarsi oo ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

“Ma jiro xidhiidh xog iswaydaarsi oo ka dhexeeya Jamhuuriyada Somaliland iyo dawlada wakhtigeedu dhamaaday ee Soomaaliya, marka xogta ay Somaliland ka sheegtaa waa xog been abuur ah, markaa dad dad koodii u sheegaya been, oo umadoodi been u sheegaya, umada reer Soomaaliya ee ay ku leeyihiin Somaliland intaasa laga helay, been bay u sheegayaan, beena waxay ka sheegayan xaalada dhabta ah ee ka jirta Somaliland, markaa anigu ma garan karo waxay uga jeedaan, 40 qof baa laga helay bay yidhaahdeen todobaad kahor, mar 40 laga helayna ma jirto” ayuu yidhi agaasimuhu.

Agaasimaha aya intaa raaciyay in xogta dhabta ah ee ku saabsan heerka xanuunka ee gudaha Somaliland lagu baahiyo bogga wasaarada, warbaahintuna ay halkaa ka xigtaan.

“Xogta dhabta ah ee Somaliland waxay ka soo baxdaa wasaarada horumarinta caafimadka, bulshadeenana waynu la wadaagnaa, idinkuna waad baahisaan, awal xogta intay meelaha ka qaataan bay waxaynu nidhaa sheegi jireen, lakiin imika waxay bilaabeen tu mala awaala oo aan jirinba, in ay usheegan dadkooda, taasina waa ceeb baan leeyahay” ayuu hadalkisa kusii daray agaasimuhu.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]