4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 1 , 2021
Jigjiga : Dowladda oo arrimo muhiim ah u ballan qaaday Guuleed yare
 

Isniin, Maarso, 01, 2021 (HOL) - Sida aan lawada soconay waxaa maalmihii u dambaysay dadku aad u hadal hayeen wiil Bajaale ah oo degaanka u dhashay, oo bajaajtiisii lacag qof dumar ahi ku ilowday u celiyay qofkii iska lahaa.

Haddaba Xukuumadda Degaanka Soomaalida ee uu hoggaamiyo Madaxwayne Mustafe ayaa wiilkan yar u ballan qaaday inay wax badan oo noloshiisa ka mid ah u qabanayso.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale sheegay in Guuleed yare ay xukuumaddu u fududayn doonto sidii uu kusii wadan lahaa waxbarashadiisa oo sida la sheegay Guuleed yare u wadi kari waayay duruufa jira awgood.

Geesta kale Madaxwayne Mustafe ayaa hooyada Guuleed yare ku ammaanay sida wanaagsan ee akhlaaqda leh ee ay kusoo korisay Guuleed, isagoo sheegay inay taasi tusaale u noqon doonta waalidiinta kale.

Guuleed ayaa maalin ka hor arrin aad loola yaabay sameeyay, kaddib markii bajaajtiisii ay islaani ku dhex ilowday lacag 300,000 birr ahayd, isagoo markiiba u celiyay lacagtii islaantii lahayd ee ku dhex ilowday Bajaajtiisa, arrintaas oo noqotay mid dadku aad ula yaabeen.

Badanaa way yar tahay sida loo helo wiil sida Guuleed oo kale ah, waxaana imbadan dhacda in alaabo badan oo lagu dhex ilaawo bajaajyada aan intooda badan la helin, balse Guuleed wuxuu noqday mid lagu daydo oo dhalinyar badani  ay ku daydaan wanaagga uu sameeyay Guuleed yare.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]