4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 1 , 2021
Shir magaalada Muqdisho uga furmay Ra'iisal Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta

 

Isniin, Maarso, 01, 2021 (HOL) - Magaalada Muqdisho waxaa shir xiligan uga soconayaa Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta, iyadoo kulankan uu noqanayo kii labaad oo ay yeeshaan labada dhinac.

Kulanka waxaa goob joog ka ah oo ka qeybgalaya inta badan xubnaha ugu sar sareeya midowga Mushariixiinta oo uu ka mid yahay Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo aan ka qeybgalin shirkii kan horeeyay.

Ra'iisal Wasaaraha iyo Midowga Musharixiinta ayaa kulankoodan uga wada hadlaya sidii loo sii anbaqaadi lahaa qoddobadii leysku afgartay kulankii hore sida in guddi loo saaro dhacdadii 19kii Feberaayo iyo rasaastii ciidamada dowladda ay u adeegsadeen in la kala diro dibadbax ay horkacayeen mas'uuliyiinta sar sare ee midowga Musharixiinta.

Sidoo kale waxaa la filayaa in si gaar ah looga wada hadlo arrimaha doorashooyinka iyo sidii ay Midowga Musharixiinta qeyb uga noqon  lahaayeen shirarka socda ee looga arrinsanayo doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u muuqda in xiligan uu kaalin weyn ka qaadanayo sidii leygusu soo dhaweyn lahaa Musharixiinta iyo Dowladda si wada jir loogu xaliyo khilaafka doorashada. 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]