4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 7 , 2021
Afhayeenka xisbiga Kulmiye oo sharci daro ku tilmaamay isbahaysiga mucaaradka
 

Isniin, Juun, 7, 2021 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxummed Xasan Buuni, oo waraysi siinayay BBC Somali, ayaa sheegay in xisbiyada mucaaradku ay afduubayaan xoriyada mudanayaasha lasoo doortay.

Buuni ayaa mucaaradka ku eedeeyay in ay ka leexdeen hab raaca uu sheegayo sharciga doorashooyinku.

“Waxanu jecel nahay in hab iyo hanaankii qanuunku dhigayay ay maraan, oo ah in natiijada hordhaca ah marka hore lagu dhawaaqo, in cidi cabasho qabta ay maxkamada sare u gudbiso, hadii ay u gudbin waydana natiijada rasmiga ah ay maxkamada sare ku dhawaaqdo” ayuu yidhi.

“Kadibna waxa la dhaarinayaa mudanayasha usoo baxay golaha wakiilada, fadhiga u horeeya madaxweynaha ayaa qudbad ka jeedinaya, kadibna mudanayaasha ayaa xildhibaanka ugu da’da wayn iska dooranaya, oo gaadhsiinaya shirgudoonka”.

“Marka hab ka ayuun baanu u aragnaa in UCID iyo Waddani ay ka leexdeen, isla markaana ay faragalin ku sameeyeen habka noocaasa ee qaanuunka dalku jidaynayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Buuni ayaa sheegay in loobahanyahay in axsaabta mucaaradku anay faragalin golaha inta laga dooranayo shirgudoon.

“Waxanu jecel nahay sidii markii horeba aanu u wada soconay ee aanaan u faro galin, doorashada socodkeedi, ku dhawaaqisteedi, in aan maantana loo faro galin inta mudanayaasha lasoo doortay ay dooranayaan shirgudoon” ayuu yidhi.

Buuni ayaa sheegay in isbahaysiga axsaabta mucaaradku uu ka dhiganyahay in mudanayaashi lasoo doortay xoriyadoodii la qaatay.

“Mudanihi lasoo doortay ee ku yimiday rabitaankii shacbiga ayaa awoodiisi la qaday, oo xisbiyo ku heshiiyeen” ayuu yidhi.

Hadalka afhayeen Buuni aya ka hor imanaya hadal uu shalay jeediyay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbgiga Kulmiye Axmed Cabdi dheere, oo isbahaysiga mucaaradka ku tilmamay xaq dastuuri ah.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]