4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 5 , 2021
Madaxweyne Deni: Doorashooyinkii ururada siyaasada iyadoo aan la gaarin ayay beelihii qeylo kasoo yeeraysaa
 

Sabti, Juun, 5, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dad badan oo diidan horumarka Puntland ay isku dayayaan in ay ka hor yimaadaan nidaamka xisbiyada badan oo ay Puntland uga guurayso midkii qabaliga ahaa.

Madaxweyne Deni ayaa daboolka ka qaaday in durbaba ay qeylo kasoo yeertay qabaa’iladii Puntland oo mid kastaa uu doonayo in wixii qabiil ahaan uu ku heli jiray uusan ku waayi karin nidaamkaan dimuqraadiga ah.

“Qabaa’iladii isuma noola. Isimadii waxgaradka ahaa runtii way yaaban yihiin. Beeldaaje Cali Faarax oo Ufayn ka hadlayay wuxuu noo sheegay in ay dadkii is naceen. "Iyadoo aan la gaarin  doorashadii, ayaa la leeyahay waxeena xaggaas dhig, maalin walba gar ayay ku jiraan” sidaas waxaa yiri madaxweyne Deni.

“Nidaamkaan cadow badan ayuu yeelanayaa. Ogaada dad badan ayaan horumarka rabin. Dad badan baa in talada dadka loosoo dhoweeyo rabin. Waxaan u baahanahay in arrintaas laga gudbo,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmaya kadib markii lasoo gabagabeeyay diiwaan galinta codbixiyaasha doorashada golayaasha deegaanka ee nidaamka ururada siyaasadeed oo bisha july ka dhicidoona saddex degmo oo doorashooyinkooda lasoo horumariyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online