4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 30, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo tababar u furay Guddiyada Doorashada dalka


Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tababar u furay guddiyadda doorashooyinka dalka ee heer fedaraal iyo heer dowlad goboleed oo socon doona muddo afar maalin ah.

"Waxaan maanta tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka, Waxaan kula dardaarmay in ay doorashada u maamulaan si hufan, daahfuran oo aan cidna lala jirin lagana jirin, anigoo u rajeynaya in uu Eebbe ku garab galo howshaas culus ee muhiimka u ah masiirka dalka" ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.

Guddiyada doorashooyinka dalka heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa lagu wada tababarka marka uu u dhamaado iney si rasmi ah u bilaabaan howlaha horyaala ee qabashada doorashooyinka dalka.

"Waxaan Shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in heshiisyadii 17-kii September 2020 iyo 27 May 2021, Deegaan Doorashooyinka iyo tirada ergooyinku ay yihiin sidii loogu heshiiyay, waxaan caddeynayaa in heshiisyadii doorashada ee 17-kii September 2020 iyo 27-kii May 2021 ay yihiin lama taabtaan. Deegaan doorashooyinka iyo tirada ergooyinkuna waa sidii loogu heshiiyay" ayuu yiri Raysal wasaraaha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Shacabka Soomaliyeed iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka qaba in doorasho xor iyo xalaal ah ka qabsoonto dalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]