4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 30, 2021
Dowladda Soomaaliya iyo Bankiga adduunka oo kala saxiixday mashaariic ku kacaysa $445 million oo dollar
 

Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Kristina Svenssn oo ah wakiilka Soomaaliya u qaabilsan Bangiga Adduunka.

Kulanka uu Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya la yeeshay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay guulaha dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo maalgelinta mashaariicda mustaqbalka.

Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Beyle iyo Wakiilka Bangiga Adduunka Kristina ayaa kulanka kadib waxa ay kala saxiixdeen heshiis gaaraya $445 Milyan oo Dollar oo ah Mashaariic kala duwan oo Deeq ah, isla markaana lagu horumarinayo Soomaaliya.

Wasiir Bayle wuxuu sheegay in mashaariicda la kala saxiixday ay aad iyo aad muhiim ugu yihiin Soomaaliya, gaar ahaan ay yihiin mashaariic ku saabsan Caafimaad, Waxbarashada.

“Deeqdan dalkeenna la siiyay waxay marqaati ka tahay habka aan kusoo dhaqanay afartii sano ee ugu dambeysay. Iyo sida dalkan loo aaminsan yahay inuu wax badan soo qabtay, hadana wax badan qabandoono,’ ayuu yiri wasiir Bayle.

Bayle wuxuu sheegay dhaqaalaha mashaariicdan lagu fulinayo in dalka oo dhan la gaarsiinayo.

Bankiga adduunka ayaa Soomaaliya ugu deeqay malaayiin dollar sanadihii ugu dambeeyay. Sanadkii hore ayay ahayd markii Bankiga adduunku lacag ka badan 100 milyan uu ugu deeqay Soomaaliya, si wax looga qabto caabuqa Covid19.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online