4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 30, 2021
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo ka hadlay sababtii loo joojiyay lacagihii kabista miisaaniyada dalka
 

Arbaco, Juun, 30, 2021 (HOL) - Wasiirka maaliyadda dowladda federalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyla ayaa beeniyay in khilaafyadii siyaasadeed ee hareeyay doorashooyinka Soomaaliya ay sabab u yihiin, hakinta lacago caalamku ku kabi jiray miisaaniyadda dalka.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay sababta Soomaaliya looga joojiyay kabkaas miisaaniyadeed in ay tahay, si looga hortago in dhaqalahaas loo adeegsado siyaabo kale oo dalka u horseedi bara dhibaato iyo burbur.

“Baananka iyo waddanada naga taageera kabista miisaaniyadeena, waxay leeyihiin sharuuc ah, in lix bilood ka hor doorashada ay joojiyaan kabista miisaaniyada. Anaga kaliya ma ahan, dalka walba oo ay miisaaniyadooda kabaan ayaa sidaas ah. Waxay ka cabsadaan in lacagtaas aysan shacabka gaarin ama dhibaato kale horseedo,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda.

Wasiir Bayle wuxuu sheegay in Soomaaliya kabistaas miisaaniyadeed laga hakiyay lix bilood ka hor xilligii doorashadu qabsoomi lahayd, isagoo tilmaamay in dib loosoo celin doono marka dowlad cusub ay timaado.

Dhaqaalaha lagu Kabo miisaaniyadda dalka oo ay Soomaaliya ka heli jirtay bankiga horumarinta Afrika, bankiga adduunka, hay’adda lacagta iyo dalal reer Yurub ah, ayay dowladdu ku bixin jirtay kabista mushaaraadka shaqaalaha dowladda, ciidamada iyo raashinkooda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online