
newsinsideSafarka wafdiga Raysal wasaare Rooble maanta ku tagayaan magaalada Jowhar ayaa la sheegayaa inuu la xariiro u kuur galida xaaladaha bini'aadanimo ee ka jirta degmada Jowhar iyo deegaanada hoos yimaada ee ka dhalatay fatahaadii uu dhawaan ka geystay wabiga Shabeelle.
Waxaa sidoo kale ka mid ah qorshaha safarka Raysal wasaare Rooble xalinta tabashada laga qabo dhismaha maamulka Hirshabeelle oo noqday mid daba dheeraatay.
Amaanka magaalada Jowhar ayaa maanta ah mid si aad loo adkeeyay waxaana wadooyinka waa weyn lagu arkayaa ciidamo aad u hubeysan.