4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 28, 2021
Booliiska Dalka Jarmalka oo war kasoo saaray nin dhawaan dil iyo dhaawac ka geystay magaalada Würzburg
 

Isniin, Juun, 28, 2021 (HOL) - Booliiska wadanka Jarmalka ayaa si rasmi ah u shaaciyay magaca wiil Soomaali ah oo dhawaan gudaha dalkaasi dil iyo dhaawac ugu geystay muwaadiniin u dhalatay dalkaasi.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa ku noolaa magalaada Würzburg ee ku taala koofurta dalka Jarmalka, waxaana magaciisa lagu soo koobay Jibriil, waxaana la sheegay inuu dalkaasi ku noola muddo 5 sano ah una suurtagali weysay inuu helo Baasaboorka dalkaasi.

24 jirkaan ayay Booliiska dalkaasi sheegeen in baaritaan uu ku socda laba talefan uu lahaa oo aay ka heleen guriga uu deganaa, islamarkaana baaritaanka uu qaadanayo waqti lagu turjimo sida fariin qoraaleedka iyo codadka ka baxay telkiisa iyo kuwa soo galay.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Booliiska dalkaasi dhacdada wiilkan Soomaaliga ah uu dadka ku dilay kuwana ku dhaawacay aay la xariirinayaan Xagjirnimo, iyadoo la sheegay in wiilka marka uu dilka iyo dhaawaca geysanayay uu ku dhawaaqayay Alahu Abkar.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]