4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 27, 2021
Labo ruux oo loo soo qabtay afduubkii Xafsa Maxamed Luqmaan
 

Axad, Juun, 27, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in lasoo qabtay labo ruux ku eedeysan iney ka dambeeyeen afduub iyo jirdil bishaan biloowgeedi loo geystay gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xafsa Maxamed Luqmaan.

Eedeysanayaasha loo soo qabtay afduubka ayaa magcyadooda lagu sheegay Jackson Njogu oo 24 sano jir ah iyo Xafsa Cabdi oo 21 sano jir ah, waxaan laga soo qabtay hotelka lagu magacaabo Crystal View Lodge oo ku yaala deegaanka Kinangop.

Booliiska dalka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in labada ruux ee gacanta lagu soo dhigay uu ka dhaxeeyo xiriir Jeceyl.

"Kadib markii ay falka dambiga ah geysteen Jeckson iyo Xafsa waxay u baxsadeen deegaanka Kinangop waxayna iibsadeen Maqaaxi oo aay ka howlgali jireen" ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka oo kasoo baxay baxay Waaxda Dambi baarista Kenya.

Labadaan eedeysane oo lagu eedeyay iney bilowgii bishan afduuteen Xafsa Luqmaan ayaa qoyskeeda ka dalbaday muddadii aay gacanta ugu jirtay Xafsa lacag dhan 5 milyan oo Shilinka Kenya,waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda kasoo muuqdaan Maxkamadda dalka Kenya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]