4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 26, 2021
Madaxweynaha Puntland oo goordhaw lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho


Sabti, Juun, 26, 2021, (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid cabdullaahi Deni wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhaw soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweyne Deni ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya.

Safarka madaxweyne Deni uu kusoo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ah sidii uu uga qeybgali lahaa shirka golaha wadatashiga qaran ee lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho, kaasoo sida muuqata maanta dib uga dhacay inuu furmo kadib markii madaxda dowlad goboleedyada aaysan soo wada gaarin magaalada Muqdisho.

Wali waxaa dhiman oo aanan soo gaarin magaalada Muqdisho madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaas oo la filayo iney iyagana soo gaaraan saacadaha soo socda.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa iney ka wadahadlaan waxyaabahii ka qabsoomay heshiikii 27-kii May aay ku wada gaareen magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]