4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 26, 2021
Nin Soomaali ah oo seddex qof ku dilay toorey gudaha dalka Jarmalka
 

Sabti, Juun, 26, 2021, (HOL) - Nin Soomaali ah oo ku hubeysnaa mindi dheer ayaa magaalada Wuerzburg ee koonfurta Jarmalka ku dilay seddex qof, halka shan kalena uu gaarsiiyay dhaawac culus, sida ay booliisku sheegeen.

Booliska ayaa markii dambe xiray ninkan iyagoo rasaas kaga dhuftay bowdadiisa, waxayna sheegeen inuu soo gaaray dhaawac fudud.

Fiidiyow la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay ninkan oo haysta mindi iyo dadweyne isku dayay in ay weerarkiisa isaga caabiyaan kuraas iyo ulal kahor inta uusan booliisku goobta imaan.

Afhayeenka booliska Kerstin Kunick ayaa sheegay in booliska lagu wargaliyay abbaaro 5-ta galabnimo (15:00 GMT) weerar mindi ah oo ka dhacay fagaaraha Barbarossa ee bartamaha Wuerzburg.

Sarkaal sare oo lagu magacaabo Joachim Hermann ayaa sheegey in dadka dhaawacmay uu ka mid yahay wiilyar kaasoo aabihii ay u badan tahay inuu ka mid yahay dadka dhintay.

Booliiska ayaa sheegay ninka dilka geystay oo ahaa 24 jir, inuu daawo dhinaca dhimirka ah qaadanayay kahor intii aanu falkan geysan. Mana jirto macluumaad intaas ka badan oo laga hayo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online