4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 26, 2021
Munaasibad lagu xusayo 26 Juun oo Hargaysa lagu qabtay


Sabti, Juun, 26, 2021 (HOL) - Munaasibad lagu xusayo markii ay Somaliland ka xorowday gumaystihi Ingiriiska 26 Juun 1960, ayaa xalay lagu qabtay Hargaysa.

Munaasibada oo ka dhacday madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa kaso qayb galay madaxweynaha Somaliland, hogaanka mucaaradka iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Farax, ayaa sheegay in shacabka Somaliland anay ka noqon doonin gooni isu taagooda.

"100 sano haday qaadanayso shacabka Somaliland ilaa uu himiladisa gaadho cidna u joojin maayo" ayuu yidhi Baashe.

"Shaqa abuur ayaynu samaynaynaa badaheena waa weyn ayaynyu kaluumaysi ka samaynaynaa", ayuu hadalkisa ku daray.

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Salebaan Maxamuud Aadan ayaa isna sheegay in Somaliland anay gooni isutaaga ka noqon doonin.

"Barigii hore waynagii la cararne 4 cisho kadib Xamar ku tuuray, manaynaan mahadine dhawac iyo dhimasho ayaa inaga soo gaadhay" ayuu yidhi.

"Walahi in anay Somaliland soo noqonayn, soo noqon mayso" ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha Somaliland oo munaasibada ka hadlay ayaa ku andacooday in sharciyada aduunku anay ogolayn 5 Soomaliyeed ee la radinayay.

"5 Soomaaliyeed waala doonay, oo waala waayay, waayo sharciyada adduunkani ku shaqeeyo ee inaga xooga waawayn ayaa diidana" ayuu yidhi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ku dhisantahay sharciyadi isticmaarku dajiyay.

"Somaliland xukun keeda, doorashadeeda iyo ismamul keedu wuxu ku fadhiya 1960 sharcigi ay ku daganayd ee ay isticmaarka ka dhaxashay ee Afrika ku fadhido" ayuu yidhi.

Munaasibada 26 Juun, ayaa ka dhalatay 26 Juun 1960 xiligaas oo Somaliland xornimada ka qaadatay  gumaystihii Ingiriiska.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]