4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 26, 2021
Somaliland oo sheegtay in $60 milyan ay dowlada Soomaaliya kaga maqantahay
 

Sabti, Juun, 26, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in $60 milyan oo banka adduun ku Somaliland usoo mariyay dowlada Soomaaliya, dowlada Soomaaliya ku maqanyihiin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay diiday in ay lacagtan qadato madama oo dowlada Soomaaliya laso dhexmariyey.

"Waxay soo gaadheen in ay ku dacwoodaan sanduqi dhaqalaha Somaliland hala joojiyo oo ay yidhahdan anaga hanala soo mariyo" ayuu yidhi.

"Waxa maanta xaniban lacag ku dhow ama kabadan $60 milyan, oo 4 tii sano ee dowlada Farmaajo joogtey uu banka adduunku u qoondeeyay Somaliland" ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland diiday in ay lacagtan qaadato madama oo dowlada Soomaaliya laso dhex mariyey.

"Banka adduunka waxanu ku nidhi anaga qolada waxba nagama dhexeeyaan, lacagina nooma soo mari karto" ayuu yidhi.

"Hadana waxanu u sheegayna banka adduunka ninkii wax nala damca ama nacaawinayaa toos buu noosinayaa".

"Wixi Xamar soo mara anaga waa naga xaaraan halkoda haku haystaan inta iyo in kabadan ba" ayuu hadalkisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyey manaasibada 61 guurada kasoo wareegtay markii Somaliland xornimada ka qaadatay Ingiriiska.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]