4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 24, 2021
Askar badan oo Kenyan ah oo ku dhintay diyaarad soo dhacday
 

Khamiis, Juun, 24, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee maanta diyaraad nooca loo yaqaano Helikobtar oo u safreysay layli aay ku dhacday duleedka magaalada Nairobi.

Booliiska Kenya ayaa shaaciyay in 17 askari aay ku geeriyoodeen lix kale oo dhaawacyo culus qabana laga soo badbaadiyay goobta diyaarada ku dhacday oo ah deegaanka lagu magacaabo Ole-Tepesi oo ka tirsan degmada Kajiado, sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan Booliiska dalkaasi oo codsaday inaan magaciisa la adeegsan sababo la xariira inuusan heysan fasax uu warbaahinta kula hadli karo.

Waxaa sidoo kale dhicitaanka diyaarada xaqiijiyay Militariga dalkaasi walow aysan faahfaahin ka bixin khasaaraha ka dhashay diyaarada dhacday oo aay saarnayeen 23 askari.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]