4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 24, 2021
Dowladda Maraykanka oo si adag u cambaareysay duqayn ciidamada Itoobiya ka geysteen gobolka Tigray
 

Khamiis, Juun, 24, 2021 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay si aad ah uga walaacsan tahay wararka sheegaya in daraasiin dad rayid ah lagu dilay intii lagu guda jiray duqeyn 22-kii bishan lala beegsaday suuq ku yaal waqooyiga Tigray.

Maraykanka ayaa si adag u cambaareeyay falkaas. Waxaa sidoo kale jira warar lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in ciidamada Ethiopia ay u diideen shaqaalaha caafimaadka inay booqdaan dhibbanayaasha weerarkan lala beegsaday.

“Waa mid aad u foolxun oo aan gebi ahaanba la aqbali karin. Waxaan ka codsaneynaa mas'uuliyiinta Itoobiya inay hubiyaan in si dhakhso leh u helaan dhibbanayaasha gargaar caafimaad,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda Maraykanka.

Maraykanka ayaa sidoo kale ku baaqey baaritaan deg-deg ah oo madax-bannaan, iyo sidoo kale tallaabo ku haboon kuwa mas'uulka ka ah weerarkan.

Mareykanku wuxuu mar labaad ku booriyay xabad joojin deg deg ah oo ka dhacda gobolka colaaduhu aafeeyeen ee Tigray iyo helitaanka gargaarka bani'aadamnimada oo aan la hor istaagin, iyo ilaalinta dadka rayidka ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online