4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 23, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ee duuleedka Muqdisho
 

Arbaco, Juun, 23, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidanka Haramcad iyo kuwa Al-shabaab oo xalay ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Al-shabaab weerar ku qaadeen Bar koontarool oo ku taala deegaanka Xaawo Cabdi oo ciidanka Haramcad ka ilaaliyaan wadada isku xerta Muqdisho iyo Afgooye.

Sarakiisha ciidanka Haramcad ayaa sheegay iney iska difaaceen weerarka kaga yimid dagaalyahanada Shabaab, islamarkaana dagaalka uu ahaa mid waqti kooban socday.

Saraakiisha aya sidoo kale sheegay in gacanta ku dhigeen sadax kamid ah ragii soo weeraray Barta koontarool iyo waliba gaari nooca raaxada ah ee loo yaqaano NOHA.

Majirto wax khasaare kale ah oo aay sheegeen saraakiisha ciidanka Haramcad oo ka dhashay weerarka xalay dhexmaray iyaga iyo Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ah iyo kuwa qaraxyo ah ku qaada fariisimaha ciidanka dowladda Soomaaliya, mana jirto wax war ah oo wali kasoo baxay dhankooda oo ku aadan weerarka xalay ku qaadeen barta koontarool ee ciidanka Haramcad ku leeyihiin deegaanka Xaawo Cabdi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]