4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 20, 2021
Xubnaha cusub ee golaha deegaanka degmada Burco oo doortay mayor iyo mayor ku xigeen cusub
 

Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Xubnaha cusub ee golaha deegaanka Burco, ayaa Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi u doortay mayor ka cusub ee Burco, halka ay Mukhtaar Maxamed Cabdi u doorteen mayor ku xigeen.

Mayorka iyo mayor ku xigeenka cusub ee maanta la caleemo saaray, ayaa labadooduba kasoo baxay xisbiga mucaarad ka ah ee UCID.

Kalfadhiga xubnaha golaha deegaanka oo loo balansanaa in uu qabsoomo maalintii shalay ayaa dib ugu dhacay maanta, waxana xafiiska golaha deegaanka ee Burco is hortubay dadweyne gadoodsan oo ka cabsi qabay in dowladu faragalin ku samayso doorashada.

Dhinaca kalena masuuliyiin katirsan xisbiyada mucaaradka ah, ayaa u arkayay dib u dhaca ku yimid kal fadhigii shalay mid ay xukuumadu uga danleedahay in ay ku xod xodato xubnaha mucaaradka si loo doorto mayor xisbiga Kulmiye ah.

Doorashada mayorka iyo mayor ku xigeenka Burco oo labaduba kasoo baxay xisbiga UCID, ayaa ka dhalatay heshiis ay gaadheen labada xisbi mucaarid oo xisbiga UCID lagu siiyay mayorka iyo mayor ku xigeenka Burco.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]