4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 19, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya Madaafiic lagu garaacay deegaanka Biyo Cadde
 

Sabti, Juun, 19, 2021 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe Madaafiic aay ku garaaceen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Tiro madaafiic ah oo dhawaqeeda hurdada u diiday dadka ku dhaqan deegaanka Biyo Cadde ayay Al-shabaab xalay ku tuureen gudaha deegaankaasi.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaafiicda xalay lagu garaacay deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Sh/dhexe.

Shalay ayay aheyd markii dagalamayaasha Shabaab qarax Ismiidaamin ahaa oo gaari loo adeegsaday aay ka fuliyeen Saldhiga deeganka Biyo Cadde, kaasoo sababay dhaawaca Taliyaha guutada 4-aad qeybta 27-aad Korneel Saney Cabdulle iyo afar askari oo ka mid aheyd ilaaladiisa.

Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ayaa mudooyinkii dambe waxaa deegaano badan oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe ku dhexmarayay dagaalo aad u xoogan oo midba midka kale ku doonayo inuu gacan ku heynta deegaanadaasi maamulo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]