9/23/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 17, 2021
Golaha degaanka degmada Xuddun oo doortay gudoomiye cusub iyo golaha degaanka ee Laascaanood oo la dhaariyey
 

Khamiis, Juun, 17, 2021 (HOL) - Golaha degaanka degmada Xuddun oo si buuxda loo ansixiyey ayaa doortay gudoomiye iyo ku xigeen kadib markii ay kulankoodii u horeeyey ku yeesheen magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Golaha degaanka ee degmada Xuddun oo lagu dhaariyey magaalada Laascaanood ayaa gudoomiye u doortay Maxamed Jamac Xirsi Oogle halka kuxigeena ay u doorteen Cabdinaasir Cabdiqaadir Guure.

Masuuliyiinta xilka loo doortay oo ka soo jeeda xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxaana qaar ka mid ah xildhibaanada oo duhurnimadii maanta kula kulanay Hotel Power ayaa waxa sheegeen in doorasho kalsooni ah ay ku dhacday.

Dhinaca kale waxaa si rasmi ah loo ansixiyey golaha degaanka degmada Laascaanood oo isla goobtaas lagu dhaariyey, waxaana la filayaa in maalinta beri ah la dooran doono gudoomiyaha iyo ku xigeenka iyadoo laga dareemayo ololaha tartanka doorashada oo ilaa haatan inta la ogyahay 3 musharax ay jiraan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
Laascaanood
[email protected]












Click here
6/17/2021 7:36 PM EST
Khamiis, Juun, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan duco iyo dardaaran ah la yeeshay 17 xubnood ee dhawaan loo doortay golaha deegaanka ee Hargaysa.

6/17/2021 10:14 AM EST
Khamiis, Juun, 17, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Somaliland ay waraaqo u dirtay caalamka si loo iib geeyo doorashooyinkii qabsoomay.

6/17/2021 6:49 AM EST
Khamiis, Juun, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo gudbiyay liiska xubnaha guddiyada doorashada heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed ee laga sugaayay inuu soo gudbiyo.

6/17/2021 6:13 AM EST
Khamiis, Juun, 17, 2021 (HOL) - Xubnaha cusub ee golaha deegaanka Hargaysa, ayaa Cabdikariin Axmed Mooge u doortay mayorka cusub ee Hargaysa, halka Khadar Axmed Cumar loo doortay mayor ku xigeen.

6/17/2021 5:35 AM EST
Khamiis, Juun, 17, 2021 (HOL) - Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowlada Soomaaliya Balal Maxamed Cismaan ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka wadanka Norway u fadhiya Soomaaliya Elin Bergithe Rognlie, kuwaas oo kawada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada wadan.

6/17/2021 5:30 AM EST
Khamiis, Juun, 17, 2021 (HOL) - Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa isla meel dhigay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo dib usoo celinta xiriirkii diblumaasiyadeed ee labada dowladood.

6/17/2021 1:26 AM EST
Khamiis, Juun, 17, 2021 (HOL) - Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay iney rajo wanaagsan ka qabto inuu si deg deg ah kusoo gudbiyo madaxweynaha maamulka Galmudug liiska guddiga doorashooyinka dowlad goboleedka Galmudug.