4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 15, 2021
Madaxweynaha Puntland oo ku baaqay in la ilaaliyo fulinta hehsiiska doorashada
 

Talaado, Juun, 15, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Deni ayaa ku baaqay in la ilaaliyo fulinta heshiiskii doorasho ee 27-ka May ee sandkan ay Muqdisho kuwada galeen dowladda federalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland dhinaceeda ay ka go’an tahay fulinta heshiiskaas, islamarkaana qeyb kamid ah go’aanadii heshiiskaas ay dhinacooda meel mariyeen.

Heshiiska doorashada ee May 27, ayaa dhigayay in muddo labo bilood gudaheed ah lagusoo afmeero howlaha doorashooyinka, waxaana hadda gabagabo ah mid kamid ah labadii bilood.

Marka laga yimaado isbedel weli muran ka taagan yahay oo lagu sameeyay guddiyada doorashooyinka, hadana weli ma muuqato tallaabooyinka kale oo muhiim ah oo la qaaday heshiiska kadib.

Waxaa laga cabsi qabaa in mar kale uu dib u dhac ku yimaado jadwalka doorashada, inkastoo qaar kamid ah musharraxiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay ku qanacsan yihiin sida raysal wasaare Rooble uu u maamulayo howlaha doorashooyinka dalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online