9/23/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 15, 2021
Maleeshiyaad hubeysan oo duuleedka degmada Matabaan ku dilay Darawal Gaari
 

Talaado, Juun, 15, 2021 (HOL) - Maleeshiyaad hubeysan ayaa barqanimadii maanta nin Dawaral ahaa ku dilay deegaanka Bacda ee duuleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Cabdi Humbul waxaana la sheegay inuu muddo dheer ka mid ahaa wadayaasha gadiidka Jaadka qaada ee isaga kala goosha degmooyinka Baledweyne iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Dilka Dawaralkan gaari ayaa la sheegay inuu la xiriiro dilal aargoosi ah oo aanooyin qabiil salka ku haya oo mudooyinkii dambe ka dhacayay deegaano hoos yimaada degmada Matabaan.

Maleeshiyaadkii dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta aay ku dileen marxuumka, waxaana saacado kadib halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo halkaasi ka bilaabay baaritaano ay ku baadi goobayaan dableydii dilka geysatay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/15/2021 10:37 AM EST
Talaado, Juun, 15, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa maanta madaxtooyada Jubbaland ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan, waxaana wafdiga ka mid ahaa Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, xubno kasocday Midowga Yurub iyo urur goboleedka IGAD.

6/15/2021 10:29 AM EST
Talaado, Juun, 15, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan dardaaran iyo hogo tusaalayn ah la qaatay xildhibaanada xisbiga Kulmiye ku matali doona golaha wakiilada ee cusub.

6/15/2021 8:54 AM EST
Talaado, Juun, 15, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Deni ayaa ku baaqay in la ilaaliyo fulinta heshiiskii doorasho ee 27-ka May ee sandkan ay Muqdisho kuwada galeen dowladda federalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

6/15/2021 7:08 AM EST
Talaado, Juun, 15, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerar ismiidaamin ah oo maanta barqadii lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo doonaysay in qortaan ciidamada xoogga dalka.

6/15/2021 6:58 AM EST
Talaado, Juun, 15, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa si faahfaahsan uga hadlay qarax Ismiidaamin ahaa oo barqaninadii maanta ka dhacay afaafka hore ee Xerada tababarada Jenaral Dhagabadan.

6/15/2021 3:46 AM EST
Talaado, Juun, 15, 2021 (HOL) - Qarax ismiidaamin ah oo aad u xooggan ayaa lala beegsaday dhalinayro ah dooneysay inay ku biiraan ciidanka milatariga Soomaaliya.

6/15/2021 3:01 AM EST
Talaado, Juun, 15, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah u furo Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiilada Maamulka Puntland.

6/15/2021 2:02 AM EST
Talaado, Juun, 15, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigooda yahay Muqdisho.