4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 11, 2021
Banaanbax Maalintii labaad Muqdisho ka dhigayaan Waalidiinta Caruurtooda ka maqan yihiin
 

Jimco, Juun, 11, 2021  (HOL) - Waaliditaan ayaa maalintii labaad banaanbaxyo ka dhigay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxayna dalbanayaan in caruurtooda dib loogu soo celiyo.

Waalidiinta banaanbaxayay ayaa sitay boorar aay ku qoran yihiin halku dhigyo aay ku muujinayaan dareenkooda si loogu soo celiyo caruurtooda oo aay sheegeen iney maqleen in laga qeyb galiyay dagaalo ka dhacay dalka Itoobiya.

Banaanbaxayaasha oo isugu jiray rag iyo dumar oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen in dowladda Soomaaliya aay kaga baahan yihiin nolol ama geeri iney ugu keenaan caruurtooda.

Banaanbaxa aay maalintii labaad Muqdisho ka wadaan waalidiintan ka dalbanaya in caruurtooda dowladda dib ugu soo celiso ayaa imaanaya, kadib markii dhawaan si rasmi u shaacisay Qaramada Midoobay iney heshay cadeeymo muujinaya in dagaaladii Itoobiya ee gobolka Tigreega aay ka qeyb qaateen dhalinyaro Soomaaliyeed taasoo sii kicisay dareenka iyo welwelka waalidiintaan caruurtooda dowladda sheegtay iney u qaaday tababar dalka Eretariya ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda beenisay in caruurta waalidiintaan laga qeyb galiyay dagaalo, waxayna sheegtay iney wali ku maqan yihiin tababarkii loo qaaday.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]