4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 11, 2021
Puntland oo deegaanadeeda ka mamnuucday gudniinka gabdhaha
 

Jimco, Juun, 11, 2021, (HOL) - Puntland ayaa gabi ahaanba laga mamnuucay gudniinka hablaha sida lagu sheegay amar kasoo baxay masuuliyiinta ugu sareysa maamulkaas.

Go'aankan ayaa ka dhashay shirka golaha wasiirrada oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, halkaas oo wasiirradu u codeeyeen in gebi ahaanba la mamnuuco dhaqankan.

Wasiirka caddaalada, arrimaha diinta iyo dhaqan celinta, maamulka Puntland Cawil Sheekh Xaamid, ayaa saxaafada u sheegay in ciddii jabisa go’aanka maamulka ay la kulmi doonaan ciqaab.

Barlamaanka Puntland ayaa la horgayndoonaa sharcigan lagu mamnuucayo gudniinka gabdhaha. Wuxuuna sharci rasmi ah noqon doonaa marka uu barlamaanku ansixiyo madaxweynuhuna saxiixo.

Puntland waa maamulkii ugu horreeyay ee gebi ahaanba mamnuuca dhaqankan gudniinka oo horay muran badan u dhaliyay.

Sahanka Caafimaadka iyo Dadweynaha ee Soomaaliya (SHDS) ayaa sheegaya in 99% gudniin lagu sameeyay gabdhaha Soomaaliyeed ee da'doodu u dhaxayso 15 ilaa 49, sida ay sheegtay hay’adda UNFPA.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online